Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi ka socda Ethiopia iyo Eritrea oo Muqdisho tegay


Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka, Somalia, Ethiopia iyo Eritrea
Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka, Somalia, Ethiopia iyo Eritrea

Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaarada ee magaalada ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu hor kacayo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Sida ay kusoo waramayso wariyaha VOA ee Muqdisho Saynab Abuukar Maxamed, labadan masuuliyiintani waxa ay kulan la yeelanayaan mas’uuliyiinta dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Safarka mas’uuliyiintan ayaa maanta saamayn ku yeeshay isu socodka magaalada, ayada oo waddooyin badan dartood loo xiray.

Dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ayaa horey heshiis saddex geesood ah ugu saxiixday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Wafdi ka socda Ethiopia iyo Eritrea oo Muqdisho tegay
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:23 0:00

XS
SM
MD
LG