Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cawad oo sharxay go'aankii ay ku taageereen Sacuudiga


Axmed Ciise Cawad
Axmed Ciise Cawad

Xukuumadda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay dowladda Sacuudiga ayada oo sheegtay inay ku garab istaageyso ilaalinta danaheeda dhaqaale.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta”

Qoraalka oo si gaar ah uga hadlaya arrinta Sacuudiga ayaa lagu yiri “Xukuumadda soomaaliya waxay ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan isgarab-taag uga muujineyna cid walba oo isku dayda in ay wax u dhinto oo ay xumeyso dhibna gaarsiiso kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale”

Haddaba qoraalkan ay soo saartay dawladda Soomaaliya ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Cawad oo sharxay go'aankii ay ku taageereen Sacuudiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:21:50 0:00

XS
SM
MD
LG