Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sannad-guuradi 1--aad ee Qarraxii 14-ki October


People walk down the bulevard 'Strasse des 17. Juni' ahead of a rally against Russia's invasion of Ukraine in Berlin, Germany.
People walk down the bulevard 'Strasse des 17. Juni' ahead of a rally against Russia's invasion of Ukraine in Berlin, Germany.

Munaasabad lagu xusay boqolaalki ruux ee Soomaaliyeed ee ku dhintay qarraxi 14-ki October ee sannadki 2017-ki ayaa maanta lagu qabtay bartamaha isgoyska Zoobe oo ah halki uu ka dhacay qaraxaasi.

Xuska sannadguuradi 1-aad ee kasoo wareegatay qarraxi lagu hoobtay ee 14-ka October ayaa waxaa kasoo qeybgalay boqolaal ruux oo ay ku jireen madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo goobta xusku ka dhacay hadal ka jeediyay ayaa ku amray wasaaradda waxbarashada Soomaaliya in ay deeq waxbarasho oo lacag la’aan siiso dhamaan carruurti ku agoontoowday qarraxi 14-ki October.

Culuma’iddiin ka qeybgalay xuska ayaa u duceeyay dhamaan dadki ku dhintay qarraxaasi.

Qarraxi 14-ki October ee sannadki 2017-ki ee magaalada Muqdisho ayaa noqday kii ugu xumaa ee abid ka dhaca Soomaaliya. Waxaa la sheegay in ka badan 600 oo ruux.

Dhinaca kalana, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xakun dil toogasha ah ku fulisay nin ay Maxkamaddu sheegtay inuu ku lug lahaa qarraxi 14-ki October.

Xassan Aden Isaq ayay maxkamaddu sheegtay inuu waday mid ka mid ah baabuurti ku lugta lahaa qarraxa.

XS
SM
MD
LG