Duufaanta Luban ee oo maalmahan cabsid xooggan ku heysay dalka Cuman ayaa heerkeedii hoos loogu dhigay dabeysha kuleylaha (Tropical Storm.) Laakiin weli waxey wadataa roobab iyo daad xooggan oo qasaara geysan kara.
Duufantan ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato Wadamada Yemen iyo Xeebaha Bari ee Soomaaliya.
Cabsi laga qabo dabeylahan la sii sadaaliyay ayaa ka taagan Xeebaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Sidoo kale Kalumeysatada Gobalka Bari Ayaa Shegay In Ay Jojiyeen Adista Bada Iyadoo wali ay jirto dagniinta ay jedinayaan mamulka puntland iyo hay adaha ka hortagga Musiibooyinka.
Wariyaha VOAda Yuusuf Maxamud Yuusuf ayaa warbixintan inoo soo diray.