Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Asli Cabaade iyo maalinta calanka


Calanka Soomaaliya
Calanka Soomaaliya

Maanta oo kale 12-kii October sanadkii 1954-kii waxey aheyd maalintii la sameeyay calanka Somaaliyeed ee bulugga ah ee xidigta shanta gees lehi dhexda kaga taal. Maalintan ayaa ka mid ah maalinta xusuusta astaamaha Qaranka Soomaaliya.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa xusuusta maalintan weydiiyay Asli Cabaade, gabadhii u horraysay ee Soomaaliyeed ee noqota duuliye ka tirsan ciidamadii cirka ee Soomaaliya.

Asli oo haatan degan magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Marakanka, ayaa Jaamac u warantay iyadoo saaran diyaarad, kuna sii jeeda xaflad ka dhaceysa Minnesota oo calanka lagu weyneynayo.

Wareysi: Asli Cabaade iyo maalinta calanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:35 0:00

XS
SM
MD
LG