Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galka Baarista: Qaraxii 14-ka October, 2017


Galka Baarista
Galka Baarista

14-ka October 2017-ka waa maalin xusuus iyo murugo ku reebtay Soomaalida. Waa maalintii babauur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi dadka ku dhintay iyo iyo kuwa ku dhaawacmay waxay gaarayaan 1000 qof. Guddiyada qaabilsanaa gurmadka iyo tabarucaadka waxay sheegeen inay diiwaan-geliyeen dhiamshada ugu yaraan 587 qof oo ku dhimatay qaraxaasi.

Waxaa kale oo guddiyadu aamisan yihiin in boqollaal ka mid ah dadka geeriyooday aan la helin maydkoodii ama laga helay wax aan badnayn, oo dadkii ay ka dhasheen iska sabreen.

Haaruun Macruuf ayaa barnaamijka Galka Baarista ku eegaya dhibaatada dadka aan weli helin maydkii ehelladooda inkastoo ay aamisan yihiin uun inay ku maqan yihiin masiibadaasi.

Galka Baarista: Qaraxii 14-ka October, 2017
please wait

No media source currently available

0:00 0:19:21 0:00

XS
SM
MD
LG