Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldo oo wajahaya eedyemo kufsi


Cayaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa laga reebay labada cayaar ee soo socota ee xulka dalka Portugal, xilli laacibkan weyn uu Mareykanka ku wajahayo eedyemo la xiriira kufsi.

Ronaldo ayaa waxaa kufsi ku eedeysay Kathryn Mayorga oo sheegtay in laacibkan uu ku weeraray magaalada Las Vegas sanaddii 2009. Ronaldo ayaa beeniyey eedeymahan.

Ronaldo ayaa seegi doona labada kulan ee Portugal la kala yeelan doonto dalalka Poland iyo Scotland, oo kala dhici doona 11-ka iyo 14-ka bishan.

Tababaraha xulka kubadda cagta Portugal, Fernando Santos ayaa sheegay in Ronaldo aan sidoo kale loogu yeeri doonin kulamada kale ee caalamiga ah ee dhacaya bisha November.

Santos ayaa sheegay in go’aankan la gaaray kadib wada-hadal saddex geesood ah oo dhex maray isaga, Ronaldo iyo madaxa xiriirka kubadda cagta Portugal.

XS
SM
MD
LG