Dalka Kanada waxaa sanadihi la soo dhaafay galay muhaajiriin badan oo ka qaxay dalka Maraykanka, ka dib marki maamulka madaxweyne Donald Trump uu adkeeyay sharciyadda dadka soogalootiga ah, sidoo kalena uu ballanqaaday in la masaafurinayo dadka sida sharci-darrada ah ku jooga Maraykanka.
Haddaba dadka Maraykanka ka cararay ee Kanada tahriibka ku galay waxaa ka mid ah Soomaali, kuwaasi oo magangelyo weydiistay dowladda Kanada.
Weriyaheena Jamaal Axmed Cismaan ayaa dhawaan magaalada Toronto kula kulmay qaarka mid ah Soomaalidaas, warbixitanna nooga diyaariyay.