Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo qabsaday deegaanka Goofgaduud


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30km dhanka Koonfur ka xiga magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka.

Wax iska hor-imaad ah kama dhicin deegaanka, waxaana ka hor inta aysan kooxda Shabaab la wareegin isaga baxay ciidanka dowladda Soomaaliya ee halkaas fariisinta ku lahaa.

Wararka waxay xaqiijinayaan in wali kooxda Shabaab ay ku sugan yihiin deegaanka, hase yeeshee ciidamo gurmad ah oo ka socda dowladda ay ka ambabaxeen magaalada Baydhaba.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Al-Shabaab ay ka saaraan Goofgaduud, oo muhiim u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in markii Al-Shabaab ay qabsadeen Goofgaduud ay billaabaan inay guryaha galaan, ayaga oo afar qof oo shacab ah la baxay.

Waxaa sidoo kale la sheegeen inay duugeen dhufeyso ciidan oo horey ciidamada dowladda ay halkaas uga sameysteen.

XS
SM
MD
LG