Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK oo ku baaqday in la taageero Amisom


Dowladda Britian ayaa ugu baaqday deeq bixiyeyaasha caalamiga ah inay kordhiyaan taageerada ay ku bixiyaan Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM, si looga caawiyo Soomaaliya gaarista xasilooni baahsan.

UK ayaa baaqan ka jeedisay, kulan doceed shalay ka dhacay New York oo uu ka socdo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ay soo qabanqaabiyeen Somalia, UK iyo Ethiopia.

Kullankan oo ujeedadiisu aheyd in Somalia laga taageero amniga, siyaasadda iyo dib u habaynta dhaqaalaha, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Afrika ee Britain Harriett Baldwin, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Madaxtooyada ee Ethiopia Hirut Zemene iyo Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Talyaaniga, Xoghaya Guud ee QM, Antonio Guterres, iyo masuuliyiin ka socday Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

Ridwaan Xaaji Cabdi Weli ayaa warbixintan kasoo diray London.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:07 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG