Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ah isimada dhaqanka ayaa maanta dablay hubeysani toogasho ku dilen, meel u dhow magaaladda Bara nee gobolka Sanaag.
Marxuumka ayaa kusii jeeday goob ku taal gudaha magaaladda Baran, oo uu qado sharaf ugu sameeyay madaxweynaha Puntland iyo waftiga la socday.
Wariyaha VOA-da Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa dilka suldaaanka ka wareysaty afhayeenka nabaddoonada gobolka Sanaag, nabaddoon Cabdiqani Maxamuud Faarax, oo ku sugan magaaladda Baran.