Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug: Is-rasaaseyn Dhimasho Keentay


Ciidamo ka wada ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa habeenkii xalay ahaa isku rasaaseeyey duleedka magaalada Cadaado.
Iska hor imaadka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tagay Galkacyo oo kusii jeeday Dhuusamreeb ay is-hortaag kala kulmeen ciidamo kale oo ku sugnaa Duleedka Cadaado. Iska hor-imaadka ayaa waxaa ku dhintay hal askari, waxaana ku dhaawacmay labo kale.

Mas’uuliyiinta Amniga Galmudug oo VOA ay la hadashay ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aaddan sababta keentay isku dhaca ciidanka, hase ahaatee aysan xiligan ka war bixinayn karin wixii dhacay.

13 kii bishan ayay ahayd markii ciidamo ku hubaysan gadiidka dagaalka oo ka amba baxay Galkacyo laga diiday in ay galaan Cadaado, sababo la xiriira muranka siyaasadeed ee ka dhax oogan madaxda Galmudug dartii.

In kasta oo xaaladdu ay haatan dagan tahay haddana Cadaado waxaa laga soo sheegayaa in dareen ka jiro, mana jirto cid ka hadashay isku-dhicii ciidanka ku dhex maray duleedka magaalada Cadaado.

XS
SM
MD
LG