Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waare oo la heshiiyey dowladda dhexe


Waare
Waare

Madaxwyenaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu heshiis la gaaray dawladda federaalka, kaasi oo ku saabsan khilaafkii ka dhexeeyey.

Maxamed Cabdi Waare oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in haatan uu wadashaqyan buuxda la samaynayo dawladda.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ka mid ahaa shanta hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada oo 8-dii bishan ku dhowaaqay inay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dawladda federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay kulan Muqdisho ka dhaca, kaasi oo ay ahayd in la qabto Isniintii iyo Talaadadii toddobaadkan, balse aan ilaa haatan qabsoomin.

Halkan ka dhageyso Waare oo ka hadlaya heshiiska uu la galay dowladda.

Waare oo la heshiiyey dowladda dhexe
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:31 0:00

XS
SM
MD
LG