Isbitaalka magaaalda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay la dhigay gabar 10 jir ah ka dib markii uu dhaawac dhiigbax ah ka soo gaaray gudniin lagu sameeyay.
Gabadhan oo magaceeda la yiraahod Salaado Cabdi Odowaa ayaa wali taala cisbitaalka magaalada, halkaasoo oo lagu dabiibayo.
Agaasimaha Isbitaalka Beledweyne, ahna isku duwaha caafimaadka ee gobolka Axmed Maxamed Khaliif ayaa Caasho Ibrahim uga warramaya xaaladda gabadha yare ee taala Isbitaalka.