Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaar ka mid ah dadka gobolka Bari oo cabanaya


Boosaaso
Boosaaso

Deegaano ku yaal dhulka ka durugsan jidka laamiga ah ee loo yaqaan Gaari-waaga ee gobolka Bari ayaa waxay ka cabanayaan in aysan wax badan ka helin horumarka ay dowladda ku bixiso kaabayaasha nolosha, deeqaha iyo gargaarka caalamiga ah.

Waxay kaloo dadkaasi ay cabashadooda ku sheegeen in dhulka ay degan yihiin lagu calaamadiyo inay ka taliyaan ururka Daacish, sidaasna ay ku waayeen gargaarka caalamiga ah.

Goobaha la sheegay inay qabsadeen ururadaasi ayaa waxaa ka mid ah dhulka ceelasha ama biyaha leh oo hoos taga degmada Iskushuban, waxaana habeenimadii xalay la soo gaarsiiyey ciidamada nabadgelyada Gobolka Bari in ururka Daacish qabsadeen tuulooyinka Buq iyo Ceelka Il iyo Camayra.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan inooga soo dirtay magaaladda Boosaaso.

Qaar ka mid ah dadka gobolka Bari oo cabanaya
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00

XS
SM
MD
LG