Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijooyinka Uefa Nations League


UEFA Nations League Andre Silva

Yurub, waxaa xalay ka dhacay ciyaaro xiisa leh oo ka tirsan tartanka cusub ee loogu magacdaray Horyaalka Qaramada Yurub kaas oo lagu badalay ciyaarihi saaxibtinimo ee ay ciyaari jireen dalalka Yurub.

Xulka Portugal ayaa 1-0 uga badiyay xulka kubadda cagta Talyaaniga oo marti u ahaa, taasoo aheyd guuldarradi 1-aad ee tartankaan kasoo gaarto macallinka cusub ee xulka Talyaaniga Roberto Mancini.

Mancini ayaa xalay soo safay ciyaartooy cusub oo dhalinyara ah. Wuxuu ka tagay oo uu keydka fariisiyay xidigaha caanka ah ee kooxda Juventus, waxaana ay ahed marki ugu horreysay oo aysan ciyaartooy ka tirsan kooxda Juventus u safan xulka Talyaaniga muddo 20 sana ah.

Goolka guusha waxaa Portugal u saxiixay weeraryahanki hore ee AC Milan Andrea Silva daqiiqadii saddexaad ee qeybtii labaad ee ciyaarta.

Waa marki ugu horreysay oo uu Portiqiisku ka badiyo Talyaaniga tan iyo sanadi 1957-ki.

Dhinaca kalana xulka kubadda cagta Kosovo ayaa xalay loo diiwaangeliyay guushi ugu horreysay abid uu kasoo hooyo ciyaar caalami ah tan iyo marki Kosovo loo aqoonsaday in ay tahay qaran jira.

Kosovo waxay 2-0 ku garaacday xulka Faroe Islands 2-0 oo ay ka wada tirsanyihiin qeybta afraad ee tartanka Horyaalka Qaramada Yurub.

Goolasha waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahan Zeneli oo ah laacib ka ciyaara horyaalka dalka Holland iyo Nuhiu oo u ciyaara kooxda Sheffield oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalka Ingiriiska.

Ciyaaraha kalana, September 10

Portugal 1 - 0 Italy

Sweden 2 - 3 Turkey

Scotland 2 - 0 Albania

Montenegro 2 - 0 Lithuania

Serbia 2 - 2 Romania

Andorra 1 - 1 Kazakhstan

Kosovo 2 - 0 Faroe Islands

Malta 1 - 1 Azerbaijan

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG