Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo kulan La Liga ah ku cayaareysa Miami


Kooxda Barcelona ayaa qorsheyneysa in kulan ka mid ah ciyaaraha horyaalka La Liga ay sannad walbaa hadda kadib ku dheeli doontaan dalkaan Mareykanka.

Qorshahaan ayay Barcelona bilaabi doontaa bisha Jannaayo ee sannadka soo socda. Kulanka ay Barcelona la dheeli doonto 17-ka Janaury sannadka 2019-ka kooxda Girona ayay warbaahinta Spain sheegtay lagu ciyaari doono magaalada Miami ee dalkaan Mareykanka.

Arrintaan ayaa ku timid heshiis dhexmaray Barcelona iyo shirkad warbaahin oo laga leeyahay dalkaan Mareykanka. Heshiiskaan ayaa dhigaya in muddo 15 sano ay ay Barcelona sannad walba ciyaar ka mid ah kulanada La Liga ay Mareykanka ku dheesho

Xiriirka kubadda cagta Spain, iyo ururka ay ku mideysanyihiin ciyaartooyda kubadda cagta Spain ayaa cambaareeyay heshiiskan.

Wargeyska Catalan Sport ayaa sheegay in maamulka Barcelona ay tikdho bilaash oo ay ku daawadaan ciyaart bisha Janaury ka dhici doonta Miami ay siin doonaan ilaa iyo 1,500 oo taageere.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG