Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia, Eritrea iyo Ethiopia oo kulmaya


Farmaajo
Farmaajo

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxwyenaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo uu ka qaybgeli doono shir saddex geesood ah oo maalinta berrito ah ka furmaya magaalada Addis Ababa.

Shirkaasi ayaa waxaa wada yeelan doona madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. Shirkan ayaa wasaaraddu sheegtay in looga hadli doono isku xirka xaaladda amni iyo kobaca dhaqaalaha ee dalalkan.

Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya maanta gelinka dambe la filayo inuu kasoo dego magaalada Asmara.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta gelinkii hore isagu tagay magaalada Musawac ee dalka Eritrea, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Dhaqdhaqaaqan Gobolka ka socda oo ay Djibouti ka maqan tahay ayaa waxaa warbixintan nooga diyaariyay wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan.

Somalia, Eritrea iyo Ethiopia oo wada-hadallo yeelanaya
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:05 0:00

XS
SM
MD
LG