Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tababare Mourinho oo wajahaya xabsi


José Mourinho
José Mourinho

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa wajahaya xakun xabsi hal sana ah kadib marki lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay lacago canshuur ahaa oo lagu yeeshay muddadi uu daganaa dalka Spain.

Wargeyska El Mundo ee dalka Spain ayaa sheegay in Mourinho uu ogolaaday in lagu xakumo hal sano xarig ah kadib marki ay sidaasi ku heshiiyeen lwoyarada dowlada iyo kuwa matalaya Mourinho.

Mourinho ayaanan xabsiga geli doonin, sababoo ah sharciga dalka Spain ayaa qaba in haddii xakunka uu ka yaryahay laba sano uusaan qofka u geli karin xabsi.

Waaxda canshuuraha Spain ayaa sheegtay in Mourinho lagu leeyahay canshuur dhan 3.3 milyan oo euro kadib marki uu qariyay dakhliga soo galay inti u dhaxeysay 2011 and 2012. Xiligaas ayuu Mourinho ka tirsanaa kooxda Real Madrid.

XS
SM
MD
LG