Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jeneral Cabdalla Cabdalla oo Eedeeyay Hay'addiisii Hore ee NISA


Idaacadda VOA waxaa la soo xiriiray Jeneraal Cabdalla Cabdalle Maxamed oo horey u ahaan jiray taliye ku xigeenka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, xilkaasi oo dhowaan laga joojiyey markii dambena laga qaaday.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa VOA u sheegay in illaa iyo haatan aanay u sheegin mas’uuliyiinta dawladda iyo kuwa hay’adda sababta shaqada looga qaaday. Haaruun Macruuf ayaa ugu horrayn weydiiyey sida uu xilligan u arko awoodda iyo shaqada hay’adda nabadsugidda ee NISA?

Wareysiga Jeneraal Cabdalla oo Dhameystiran1
please wait

No media source currently available

0:00 0:24:57 0:00

Dhagaystayaal waxaa naga xusuusin ah inaan la xiriirnay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adda NISA iyo laamaha kale ee dawladdaba, ilaa haatanse aysan noo suurto gelin inaan ka helno waraysi ku saabsan eedaha uu soo jeediyey taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA. Hase yeeshee marka ugu horraysa ee aan mas’uuliyiin ku helno khadka telefoonka waan idiin soo gudbin doonaa.

Hase yeeshee, waxaan dhinaca kale waraysi la yeelanay Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo horey ugu soo shaqeeyey hay’adda nabadsugidda haatanna ka tirsan mac-hadka daraasaadka amniga ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdishu.

Jamaal Axmed Cismaan ayuu uga warramay sida uu arko shaqada hay’adda NISA, iyo eedda jeneraal Cabdalla Cabdalla.

Fal celinta NISA ee eedeynta loo jeediyay
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:10 0:00

XS
SM
MD
LG