Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Africom: Waxaan Duqeyn ku Dilney Maleeshiyaad Shabaab Ah


Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn cusub oo ay ka gaysatay Soomaaliya lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Hawlgalka milatariga Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqayntan ay ka dhacday meel illaa 40 km dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Duqayntan ayaa dhacday maalintii Isniinta, waxaana AFRICOM ay sheegtay inaanay dad rayid ah waxba kasoo gaadhin duqayntaas.

Duqayntan ayaa noqonaysa tii 21-aad ee milatariga Maraykanku ka gaystaan Soomaaliya sannadkan 2018-ka, waxaana dhammaan duqaymahaasi ay ahaayeen kuwo lala beegsaday ururka Al-Shabaab.

Duqaymahan ayaa Maraykanku ay ku dileen tobannaan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaa sidoo kale lagu burburiyey dhowr ka tirsan baabuurta ay Al-Shabaaab oo ay qaraxyo ku rakiban yihiin, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka.

Duqaymaha sannadkii hore dhacay ayaa ka badnaa 30 waxaana ku dhintay maleeshiyo badan oo ka tirsan Al-Shabaab. Maraykanka ayaa duqaymaha hore ku beegsanayey xubnaha muhiimka ah ee hoggaanka Al-Shabaab, hase yeeshee duqaymaha sannadkan dhacay ayaa ahaa kuwo lala beegsaday maleeshiyada askar ahaanta ugu hawl gala Al-Shabaab.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in shan askari ay ku dhinteen 10 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Gobolka Lamu eee xeebta maanta.

Qaraxan ayaa qabsaday baabuur ay saarnaayeen askarta milatariga oo ay mas’uuliyiintu sheegeen inay u socdeen tuulo si ay u gaadhsiiyaan biyo.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu kormaray miinada oo la aaminsan yahay inay dhulka ku aasnayd.

Al-Shabaab ayaa Gobolka Lamu iyo kan Waqooyi Bari Kenya ka gaysanayey qaraxyo ay la beegsadaan ciidamada Kenya.

XS
SM
MD
LG