Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Goolkii Ronaldo oo Noqday Goolka Sanadka


Goolkii labaaleeyda Ronaldo uu ka dhaliyay Juventus
Goolkii labaaleeyda Ronaldo uu ka dhaliyay Juventus

Gool uu xilli ciyaareedki lasoo dhaafay ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ka dhaliyay kooxda uu hadda u ciyaaro ee Juventus ayaa noqday goolki ugu qurxanaa sannadkaan 2018-ka.

Cod uu u qaaday xiriirka kubadda cagta Yurub ee EUFA ayuu goolka Ronaldo kaalinta koowaad ka galay goolashi lala tartansiiyay.

Ronaldo ayaa goolkaasi dhaliyay isaga oo u ciyaaraha kooxda Real Madrid ciyaar ka tirsaneyd koobka kooxaha horyaallada Yurub.

Kaalinta labaad waxaa galay gool uu ciyaaryahan Dmitri Payet oo u ciyaara kooxda Marseille ka dhaliyay RB Leipzig wareegii semi-final-ka Yurub Liig ee xilli ciyaareedki hore.

XS
SM
MD
LG