Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Shacab ah oo Ku Dhintay Iska-hor-imaad Ka Dhacay Baladweyne


Ugu yaraan seddex qof oo shacab ah ayaa galinkii dambe ee manta lagu dilay magaalada Baledweyne 2 kalana waa lagu dhaawacay ka dib iska hor-imaad dhex maray ciidamada amniga iyo malayshiyo beeleed.

Isku dhacyada ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay isku dayeen in ay saldhigga booliska kala baxaan askari lagu eedeeyay in uu shalay magaalada ku dilay wade mooto bajaaj.

Dhimashada seddexda qof iyo dhaawaca labada kale waxaa VOA u xaqiijiyay howl-wadeennada caafimaadka ee isbitaalka Baledweyne.

Malayshiyo beeleed fara badan oo magaalada la soo galayay ayaa kala xiray isu socodka gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqii ganaacsiga Baledweyne.

Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan, waxaana dadku ay muujinayaan baqdin ah in markale uu iska hor-imaad ka dhaco magaalada haddii aan xiisadda la dejinin.

XS
SM
MD
LG