Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay xaafadda Hodan gaar ahaan agagaarka Warshaddii hore ee Caanaha.
Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday baabuur ay la socdeen ciidamo ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya.
Warar dhinaca amniga ah ayaa sheegaya inay ay qaraxaasi ku dhinteen laba askari ayna sidoo kale ku dhaawacmeen tiro intaa la eg.
Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegetay mas'uuliyadda weerarka.