Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Bayern oo guul ku billowday horyaalka Jarmalka


Le Français Franck Ribéry du Bayern Munich, à gauche, et son coéquipier néerlandais Arjen Robben se congratulent après le deuxième but de leur équipe lors du quart de finale de Ligue des champions contre le Sevilla FC au stade Ramon Sanchez Pizjuan, à Sév
Le Français Franck Ribéry du Bayern Munich, à gauche, et son coéquipier néerlandais Arjen Robben se congratulent après le deuxième but de leur équipe lors du quart de finale de Ligue des champions contre le Sevilla FC au stade Ramon Sanchez Pizjuan, à Sév

Kooxda difaacaneysa horyaalnimada Jarmalka ee Bayern Munich ayaa guul ku billowday ciyaarteedii furitaanka horyaalka ee xilli ciyaareedka cusub 2018-19.

Bayern waxay Jimcihi shalay 3-1 uga badisay kooxda Hoffenheim, guushaasoo qiimo weyn ugu fadhiday tababaraha cusub Niko Kovac.

Goolka hore waxaa Bayern u dhaliyay Thomas Mueller daqiiqadii 23-aad balse waxaa kooxda Hoffenheim u bareejeeyay Adam Szalai daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta.

Bayern oo u muuqatay in ay kulankeeda ugu horreeya xilli ciyaareedka cusub ku dhameysan doonto barbar dhac, ayaa daqiiqadii 82-aad heshay rigoore muran badan dhaliyay oo marki danbana uu gool u beddelay weeraryahan Robert Lewandowski.

Goolka saddexaadna waxaa kusoo khatimay laacibka garabka ka ciyaara ee Arjen Robben saxiixay goolka daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta.
Ciyaaraha kalana ee horyaalka Jarmalka waxay dhici doonaan galabta.

Fortuna Duesseldorf oo dhawaan kusoo laabtay ciyaaraha heerka labaad waxaa ay la ciyaari doontaa Augsburg. Hertha Berlin ayaa magaalada Berlin kula ballansan Nuernberg.

Fakhaayburg waxay gurigeeda ku marti gelin doontaa Ayntaakhti Frankfurt. Schalke ayaa booqaneysa Wolfsburg, Werder Bremen waxay wajaheysaa Hannover 96. Ciyaar adag ayaa caawa fiidkii waxay magaalada Moenchengladbach ku dhexmari doontaa kooxaha Borussia Moenchengladbach iyo Bayer Leverkusen.

XS
SM
MD
LG