Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Coman oo todobaadyo maqnaanaya


Kingsley Coman
Kingsley Coman

Kooxda Bayern Munich ayaa sheegtay in laacibka garabka uga ciyaara ee la yiraahdo Kingsley Coman uu garoonnada ka maqnaan doono muddo todobaayo ah sababo la xiriira qalliin looga sameyn doono canqawga lugta.

Weeraryahankaan u dhashay dalka France ayaa ku dhaawacmay kulanki furitaanka horyaalka Jarmalka ee ay kooxdiisa Bayern Jimcihi shalay 3-1 uga badisay naadiga Hoffenheim.

Ciyaartaas ayaa aheyd tii ugu horreysay ee uu kooxda u safto kadib marki uu kasoo laabtay dhaawac ka haleelay isla meesha uu hadda ka dhaawacmay. Dhaawaci xilligaasi wuxuu ku kallifay inuusan ka qeybgalin ciyaarihi koobka aduunka ee uu xulka Faransiiska ku guuleystay bishii July.

Sidoo kale waxaa kooxda dhaawac uga maqnaan doona laacibiinta iyaguna garabaha uga ciyaaro kooxda Bayern ee kala ah Serge Gnabry, Franck Ribery iyo Arjen Robben.


XS
SM
MD
LG