Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Horyaalka Talyaaniga: Juventus-Lazio, Napoli-Milan


Cristiano Ronaldo Juventus
Cristiano Ronaldo Juventus

Horyaalka Serea A-da Talyaaniga laba kulan oo ay isaga hor imaan doonaan qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn ayaa dhici doona caawa.

Kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Juventus ayaa magaalada Turin kusoo dhaweyneysa kooxda Lazio. Crisitiano Ronaldo ayay indhuhu ku fooraraan oo waxaa la is weydiinayaa ma dhalin doonaa goolkiisi ugu horreeyay ee horyaalka Talyaaniga

Kooxda Napoli-na waxay magaalada Naples kusoo dhaweyn doonta AC Milan. Tababarihi Napoli Carlo Ancelotti ayaa marki ugu horreysay abid wuxuu ka hor imaanayaa kooxdiisii hore ee Milan ciyaar ka tirsan horyaalka Talyaaniga.

Ancelotti ayaa tan iyo mari uu ka tagay Milan waxa uu soo leyliyay kooxaha Chelsea, Real Madrid, Paris Saint-Garmain iyo Bayern Munich, dhamaan inti uu waday kooxahaasi marna kama uusan hor iman Milan.

Sidoo kale goolhayaha Milan Pepe Reina iyo gooldhaliyahooda cusub Gonzalo Higuain ayaa dib ugu laaban doono garoonka San Paulo ee kooxda Napoli oo ay muddo sannado ah usoo ciyaareen.

XS
SM
MD
LG