Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Careysan oo Weeraray Wasiir Jubbaland Katirsan


Magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay dibad-baxyo rabshado wata, oo ay sameeyeen dad la sheegay inay ka cabanayaan maamulka Jubbaland.

Dad cadheysan ayaa beegsaday wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirsi, oo isaga iyo xubno la socda ay magaalada kormeer ku joogaan, waxaana la sheegayaa in dadkaasi ay wasiirka gaadhsiiyeen dakhar.

Dhinaca magaalada Kismaayo, dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in 2 qof ay ku dhaawacmeen iska-horimaad ka dhacay xerada nabad sugida ee Fiyaat, halkaasi oo rag hubeysan oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ay weerareen xeradaasi si ay u soo furtaan dad halkaasi ku xirnaa. Maamulka ayaan ka hadlin rabshadahan ka dhacay xerada Nabad-sugida.

Haddaba sida ay wax uga dhaceen Garbahaarey ayaa Sahra Ciidle ay khadka taleefonka ee Garbahaarey ku wareystay wasiir Adan Aw Xirsi.

Dibadbax rabashado wata oo Garbahaaray ka dhacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:53 0:00

XS
SM
MD
LG