Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciyaaro ka tirsan Horyaalka Yurub oo xalay Dhacay


Xalay waxaa dhacay ciyaaro kala reeb ahaa oo ay qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu soo baxayaan wareega koowaad ee Koobka Champions League Yurub.

Kooxda Ajax Amsterdam ee dalka Holland ayaa qarka u saaran in ay u soo gudubto wareega 1-aad kadib marki ay lugti koowaad ee ciyaaraha kala reebka 3-1 ugu awood sheegatay naadiga Dynamo Kiev ee dalka Ukraine.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Johan Cruyff Arena, ayay ajax hogaanka ku qabatay daqiiqadii labaad kadib marki uu gool u dhaliyay Donny van de Beek, laakin Dynamo ayaa ka daba tagtay daqiiqadii 16-aad ka gadaal marki uu laacibka dadabka midig ka ciyaara Tomasz Kediora uu gool u dhaliyay.

Labada gool ee kale waxaa Ajax u dhaliyay laacibka khadka dhexe ee dalka Morocco Hakim Ziyech iyo Dushan Tadic.

Dhinaca kalana kooxda ka dhisan dalka Giriiga ee AEK Athens ayaa hal lug la gashay wareega koowaad ee koobka Kooxaha Horyaalada Yurub kadib marki ay 2-1 ku dubatay naadiga Vidi FC ee dalka Hungary halka kooxda Dinamo Zagreb ee dalka Croatia ay bar barro 1-1 ah la gashay kooxda Young Boys Bern ee dalka Switzerland.

Lugta labaad ee ciyaarahan ayaa dhici doona todobaadka danbe.

XS
SM
MD
LG