Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jose Maria Marin oo 4 sano lagu xakumay


Jose Maria Marin, oo kasii baxaya maxkamadda federaalka ee Brooklyn ee magaalada New York, Nov. 3, 2015.
Jose Maria Marin, oo kasii baxaya maxkamadda federaalka ee Brooklyn ee magaalada New York, Nov. 3, 2015.

Gudoomiyihii hore ee xiriirka kubadda cagta dalka Brazil ayaa lagu xakumay afar sano oo xabsi ah, kadib marki lagu helay danbiyo la xiriira musuq maasuq.

Jose Maria Marin oo ah 86 jir, ayaa ka mid ahaa shan sarkaal oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta aduunaka ee loo soo gaabiyo FIFa kuwaas oo ay ciidamo boolis ka xireen hotel ku yaalla magaalada Zurich bishii May ee sannadki 2015.

Waxaa sannadihi dhawaa ku socday dacwad la xiriira inuu laaluush ka qaatay shirkadaha leh telefishannada tabiya ciyaaraha kubadda cagta, gaar ahaan tartanka xulalka Koofurta America ee loo yaqaano Copa America.

Maxkmad ku taalla degmada Brooklyn ee magaalada New York ee dalkaan Mareykanka ayaa sidoo kale Jose Maria ku xakuntay ganaax lacageed oo gaaraya $1.2m.

Waxa ay hadda maxkamad ku socotaa isna gudoomiyihii hore ee xiriirka kubadda cagta Koofurta America Juan Angel Napout, kaasoo hadda ah xakun suge.

XS
SM
MD
LG