Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Duqayn ku Dilay Xubno ka tirsan Al-shabaab.


AFRICOM
AFRICOM

War saxaaafadeed ka soo baxay xarunta taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in iyagoo gacan ka helaya dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya ay weerar ka fuliyeen meel qiyaastii 46 killometer waqooyi bari kaga beegan magaalada Kismaayo ay ku beegsadeen kooxda Al-shabaab isla markaana ku dileen 2 xubnood oo argagixiso ah.

Iyagoo sheegay inay qiimeynayaan inaanay jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhawacmay dad rayid ah

Warsaafadeedku waxa uu intaasi sii raaciyey in ciidamada Maraykanku ay sii wadi doonaan adeegsiga wax kasta oo ay ogolaanshiiyo u haystaan isla markaana haboon si ay u ilaaliyaan muwaadiniinta Maraykanka ah islamarkaana ay u wiiqaan khatarta argagixisada, taasi oo ay qayb ka tahay iskaashiga ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Amisom iyadoo la samyanayo hawlgalo ka dhan ah argagixisada laguna beegsanayo xarumahooda tobabarka iyo goobaha ay ku dhuuntaan ee ku yaala Soomaaliya iyo gobolka.

XS
SM
MD
LG