Ciyaaryahannada kala ah Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Mohamed ayaa isugu soo haray tartanka abaalmarinta laacibka sannadka ee Xiriirka Kubadda Cakta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA.
Ronaldo, oo sannadki hore ku guuleystay abaalmarintan, ayaa kooxda Real Madrid ka caawiyay xilli ciyaareedki lasoo dhaafay hanashada Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee Champions League marki saddexaad oo xiriir ah.
Wuxuu sidoo kale ahaa laacibki ugu goolasha badnaa tartankaasi, isaga oo dhaliyay 15 gool.
Laacibkan hadda u ciyaara kooxda Juventus ayaa horay saddex jeer ugu guuleystay abaalmarintan. Waa ciyaaryahanka kaliyah ee mar walbaa soo gaara saddexda laacib ee ugu danbeysa ee ku tartanta abaalmarinta, tan iyo marki ay UEFA billowday bixinta jaa’izada sannadki 2011.
Ninka kale ee Ronaldo kula tartamaya waa Luca Modric, oo sidoo kale ka mid ahaa xidigihii Real Madrid ee xilli ciyaareedki lasoo dhaafay qaaday koobka Yurub. Waxaa intaasi u sii dheer inuu ahaa kabtanki xulka Coroatia ee gaaray finalka Koobki Aduunka ee sannadkaan lagu qabtay Russia.
Wuxuu noqday laacibki ugu wanaagsanaa dhamaan ciyaartooydi ka qeybgalay Ciyaarihi Aduunka ee 2018-ka lagu qabtay dalka Russia.
Laacibka kale ee u sharraxan abaalmarinta xidiga sannadkan ee Yurub ayaa ah, gooldhaliyaha xulka Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah.
Salah ayaa ka caawiyay kooxda Liverpool in ay xilli ciyaareedki lasoo dhaafay gaarto finalka Koobka Yurub. Waxaa uu ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu goolasha badan horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedki hore, isaga oo dhaliyay 44 gool.
Saddexdan laacib qofki guuleysta ayaa waxaa abaalmarinta lagu guddoon siin doonaa magaalada Monaco ee dalka Faransiiska 30-ka bishaan August.