Xilli ciyaareedka cusub ee 2018-19 ee horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa maanta dib u billaabmaya, iyadoo lagu daah furi doono kooxaha Chievo iyo Juvnetus.
Ciyaartani oo fiidnimada caawa xilliga geeska Africa ka billaaban doonta garoonka Stadio Bentegodi ee kooxda Chievo Verona, ayaa waxaa Juventus marki ugu horreysay u ciyaari doona laacibkooda cusub Cristiano Ronaldo.
Booliska ka hortaga argagixisada ee Talyaaniga ayaa sugi doona amaanka garoonka ay ciyaartani ka dhaceyso.
Juve ayaa Ronaldo 100 milyan oo euro uga soo iibsatay kooxda Real Madrid bishi July ee aanu kasoo gudubnay. Waxay aheyd arrin aanan la fileyn in Ronaldo uu ku biirayo Juve.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa qortay in kulanka maanta uu macalinka Juventus weerarka ka ciyaarsiin doono Ronaldo, Paulo Dybala iyo Douglas Costa.
Ciyaartooyda laga yaabo in uu macalinka Juventus Max Allegri ku billaabo ayaa kala ah: Szczesny, Cancelo, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Pjanic, Khedira; Bernardeschi, Dybala, Douglas Costa; Cristiano Ronaldo
Halka kooxdaChievo ay lasoo shartagi doonto laacibiintani: Sorrentino; Cacciatore, Tomovic, Bani, Barba; N. Rigoni, Radovanovic, Hetemaj; Birsa, Giaccherini; Stepinski