Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Marchisio oo 25 sano kadib ka tagay Juventus


Brazil Soccer WCup Italy
Brazil Soccer WCup Italy

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara xulka Talyaaniga Claudio Marchisio ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka tagay kooxda Juventus kadib muddo 25 sana oo uu ka tirsanaa.

Juventus iyo Marchisio ayaa labuduba si saaxibtinimo ah u dhameeyay qandaraas uu laacibkani kula jiray naadiga, kaas oo dhacayay sannadka 2020-ka.
Qoraal lagu daabacay barta internetka ee Juventus ayaa lagu sheegay in Juve ay daba socon doonto ciyaaryahanka meel walbaa ee uu aado.

Marchisio oo ah 32 jir ayaa ku biiray Juve isaga oo carruur ah. Kadib marki uu weynaadayna wuxuu kooxda u saftay 389 kulan. Wuxuu la qaaday 7 horyaal iyo afar koob oo ah Coppa Italia.

Ilaa iyo imminka lama oga kooxda uu ku biiri doono. Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Talyaaniga ayaa xirmaya saacadaha soo socda.

XS
SM
MD
LG