Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo Qaabiley Farmaajo


Farmajo and Geelle
Farmajo and Geelle

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta tagay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Dowladda Soomaaliya ayaa ujeedka safarka madaxweynaha ku sheegtay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ay Jabuuti cabasho ka muujisay codsigii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Eritrea oo ay Jabuuti colaad kala dhaxeyso laga qaado cuna-qabateyntii saarneyd.

Wariyaha VOA Ramadan Muuse ayaa warbixintan soo diray.

Madaxweyne Farmaajo oo Jabuuti booqdey
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00

XS
SM
MD
LG