Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gudniinka Fircooniga iyo Sharciga Uga Yaala Mareykanka


Saadkii 2017-ka ayaa dhowr maalmood oo ka mid ah, ay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda federaalka ah ee dalka Maraykanka waxa ay Il gaar ah saareen dadka ka safraya dhowr garoomo diyaaradeed oo ku yaala dalkan Maraykanka-- duulimaadyada ku xiran ama isku xiraya Addis Ababa, dalka Itoobiya, Frankfurt oo dalka Jarmalka ah, iyo magaalada Dakar ee dalka Senegal.

Saraakiisha - qayb ka mid ah hey’adda Hirgelinta Sharciyada Socdaalka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICE ayaa waxa ay qayb ka ahaayeen xafiis yar oo ka tirsan ICE oo aan shaqo ku lahayn in ay dadka qabtaan ama musaafuryiyaan. Hase ahaatee waxay dadka siinayeen qoraallo daabacan iyagoo doonayay inay ka hadlaan Gudniinka fircooniga ah.

Saraakiishan ka tirsan hay’adda ICE ayaa sidoo kale waxay bar tilmaameesadeen qaar ka mid ah garoomada waaweyn ee caalamiga ah ee ku yaala Maraykanka. Bishii May, waxay dhex wareegeen albaabada Atlanta, halkaasoo ahayd meeshii sanadkii hore laga musaafuriyay nin u dhashay dalka Itoobiya kaasoo la rumeysan yahay inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee loo maxkamadeedayay dambiga ah inuu gudaha Maraykanka ku sameeyay gudniin fircooni ah. taasoo la aaminsan yahay inay ahayd sababta ka dambeysay in hay’adda ICE ay isha ku qabato garoomadaasi.

Dhageyso barnaamijka oo dhameystiran oo ay soo diyaarisay Caasho Ibrahim Aden (Caasho Cuud).

DHAGEYSO BARNAAMIJKA HAWEENKA IYO QOYSKA
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:24 0:00

XS
SM
MD
LG