Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldo oo laga soo saaray isbitaalka


 Ronaldo "O Fenómeno"
Ronaldo "O Fenómeno"

Halyeeyga kubadda cakta dalka Brazil Ronaldo ayaa laga soo saaray isbitaalka kadib marki uu Jimcihii haleelay xanuunka Oof-wareenka.

Ronaldo oo lagu tilmaamo inuu yahay gooldhaliyihii ugu wanaagsanaa ee soo mara dunida kubadda cagta ayaa Jimcihii la dhigay isbitaal ku yaalla jasiiradda loo dalxiiska tago ee Ibiza ee dalka Spain, kadib markii uu neefsan kari waayay sida ay sheegeen dhaqaatiirta.

Ronaldo ayaa u sheegay taageerayaashiisa inuu wanaagsanyahay. Wuxuu ku laabtay guri uu ku leeyahay jasiiradda Ibizia.

Ronaldo ayaa ka fariistay ciyaaraha sannadki 2011-ki. Laakin muddadi uu ku shaqeysanayay xirfadda kubadda cagta, wuxuu usoo ciyaaray kooxo caana oo ka dhisan Yurub oo ay ka mid yihiin PSV Eindhoven, Barcelona, Inter Milan, Real Madrid iyo AC Milan.

Sidoo kale kooxaha reer Brazil ee Corinthians iyo Cruzeiro as well as Real Madrid, where he is a club ambassador.

Xulka Brazil ayuu kula guuleystay laba jeer Koobka Aduunka, sannadihi 1994 iyo 2002.

Laba jeer ayaa loo boqday laacibka ugu wanaagsan dunida kubadda cagta oo uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sannadihi 1997 iyo 2002.


XS
SM
MD
LG