Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Balcad: Ciidamada DF iyo AMISOM oo Weeraray Shabaab


Ciidamada dowladda federaalka oo ay la socdaan kuwa howlgalka Amisom ayaa weerar culus ku qaaday duhurnimadii maanta deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad, gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in ciidamada is-garabsanaaya ay dhowr jiho ka weerareen saldhig ay al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Basra.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu jiro weerar dhinaca cirka oo howl-galka qeyb ka ah inkastoo aanu masuuliyiin si rasmi ah VOA ugu xaqiijinin arrintaasi.

Kooxda al-Shabab ayaa bilahii ugu dambeyay weeraro ka soo abaabulayay deegaanka Basra iyagoo wadada isku xirta Balcad iyo magaalada Jowhar ka dhigay maritaankeeda mid aad u halis badan marka ay timaaddo masuuliyiinta maamulka Hir-Shabeelle iyo ciidamada dowladda federaalka.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo sheegaya qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

XS
SM
MD
LG