Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo hanatay Super Cup-ka Spain


Barcelona
Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay koobka Super Cup-ka dalka Spain kadib marki ay 2-1 ku garaacday kooxda Sevilla.

Ciyaarta oo ka dhacday magaalada magaalada Dangier ee dalka Morocco, ayaa waxaa goolka la hormartay kooxda Sevilla waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Pablo Sarabia kadib marki muuqaalka saacida garsoorayaasha ee loo yaqaano VAR uu ogolaaday gool marki hore uu garsooruhu u maleeyay offside.

Barcelona ayaa ka daba tagtay kadib marki uu daqiiqadii 42-aad uu gool u dhaliyay laacibka difaaca ka ciyaara ee Gerard Pique, goolka guushana waxaa u saxiixay Ousmane Dembele .

Laakin Sevilla ayaa aad ugu dhawaatay in ay iska bareejeyso Barcelona kadib marki dhamaadki ciyaarta loo dhigay rigoore uu marki danbe ka khasaariyay Wissam Ben Yedder. Waxaa ka qabtay oo badbaadiyay goolhayaha Barcelona Marc-Andre ter Stegen.

Waxay aheyd marki ugu horreysay oo ay Barcelona ku guuleysato koobka Super Cup-ka iyadoo lagu ciyaarayo meel ka baxsan dalka Spain.

XS
SM
MD
LG