Waxaa Jimcihi furmay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka dalka Faransiiska ee loo yaqaano League One.
Kooxda Monaco oo xilli ciyaareedki ka mid ah kooxaha sida aadka ah ugu tartamaya horyaalka ayaa guul ku bilowday xalay, kadib marki ay 3-1 ku garaacday Nantes.
Weeraryahan Radamel Falcao oo ciyaarta baddal kusoo galay ayaa saxiixay gool halka mid kalana uu isagu baasay. Laacibkaan reer Colombia ayaa garoonka soo galay daqiiqadii 67-aad, waxaana markaasi kadib ay dhalinyarada macalllin Leonardo Jardim muddo 14 daqiiqo gudahood ku keeneen saddex gool.
Marka laga soo gato Falcao, goolasha kale waxaa Monaco u kala dhaliyay Rony Lopes iyo iyo Stevan Jovetic.
Dhinaca kalana, kooxda Nimes Olympique ayaa Sabtidi ciyaatay kulankeedi ugu horreeyay ee horyaalka 1-aad muddo 25 sano ah kadiib, kadib marki ay dhawaan kasoo baxday heerka labaad.
Kooxdani ayaana guul la yaab leh ku billowday kusoo laabashadeeda League One-kam kadib marki ayy 4-3 ku garaacday Angers.
Ciyaaraha kalana, tababaraha cusub ee kooxda Nice Patrick Vieira ayaa guul darro ku billaabay kadib marki ay 1-0 ku khasaartay kooxda Reims.
Goolka guusha waxaa Reims u saxiixay laacibka reer Mali Moussa Doumbia.
St Etienne ayaa 2-1 uga badisay Guingamp. Goolka guusha waxaa siiyay laacibka reer France Lois Diony ka hor inta uusan Wahbi Khazri daahfurin.
Goolka kaliyah ee Guingamp waxaa dhaliyay Marcus Thuram, oo ah wiil uu dhalay daafacii hore ee Faransiiska Lilian Thuram.
Ciyaaraha kale, Lille ayaa 3-1 ku garaacday Stade Rennais, halka Dijonay 2-1 ku lagaday Montpellier.