Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xilli ciyaareedka 2018/19 ee horyaalka England oo billowday


Dan wasan Man U. Paul Pogba, yana murnar cin kwallo.

Kooxda Manchester United ayaa noqotay kooxdi ugu horreysay ee guul ku bilowda xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka kubadda cagta Ingiriiska ee sannadkaan, kadib marki ay ciyaari furitaanka 2-1 ku garaacday Leicester City.

Ciyaarti xalay waxaa ka dhex muuqday laacibka reer France Paul Pogba oo kadib marki uu bishi hore soo qaaday Koobka Aduunka, xalayna daah furay goolka koowaad ee kooxda.

Pogba oo ahaa kabtanki xalay ee kooxda United ayaa daqiiqadii sadexaad goolka ku dhaliyay rigoore. Goolka labaad waxaa Manchester United u saxiixay Luka Show.
Goolka qudha ee Leicester City waxaa dhamaadki ciyaarta keenay Jammy Vardy oo weerarka ka ciyaara.

Ciyaaraha kale ee horyaalka Ingiriiska galabta iyo caawa ayay intooda badani dhici doonaan, waxana ay kooxuhu isu arkayaan sidan:

Ciyaarta ugu horreysay mar dhaw ayay billaabatay waxana ay dhex mareysaa Newcastle United iyo Tottenham Hotspur.

Bournemouth ? - ? Cardiff City
Fulham ? - ? Crystal Palace
Huddersfield Town ? - ? Chelsea
Watford ? - ? Brighton & Hove Albion
Wolverhampton Wanderers ? - ? Everton.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG