Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo kaashanaya waddamada gobalka ayaa wada dadaallo iyo diyaar garow xooggan oo ah sidii doorasho qof iyo codkii oo xalaal ah ay uga qabsoomi laheyd Soomaaliya sanadka 2020-ka.
Magaalada Nayroobi waxaa lagu soo gaa gabeeyay kulan lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan waddamadii ay horay dagaallada sokeeye uga dhaceen ee haddana qabtay doorashooyin cod iyo qof ah.
Daraasaaddaasi ayaa ujeedkeedu uu ahaa sidii ay guddiga doorashooyinka iyo xubno ka socday hey’adaha siyaasadda ee Soomaaliya wax uga baran lahaayeen.
Wariyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan soo diray.
Facebook Forum