Kooxda Everton ee dalka Ingiriiska ayaa maanta ku dhawaaqday in ay lasoo wareegto saddex laacib oo laba mida ay kasoo qaadatay kooxda Barcelona.
Labada ciyaaryahan ee ay kasoo qaadatay Barcelona ayaa kala ah Yerry Mina oo difaaca ka ciyaara una dhashay dalka Colombia kaasoo ay ku iibsatay 30.25 million oo euro iyo Andre Gomes oo ka dheella khadka dhexe una dhashay dalka Spanish.
Kooxda Everton waxaa kale oo ay maanta ku dhawaaqday in ay waxa loo yaqaano beeca xorta ah kusoo qaadatay weeraryahanka reer Brazil Bernard kaasoo kasoo tagay kooxda Shakhtar Donetsk ee dalka Ukraine.
Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Ingiriiska ayaa xirmaya caawa saqda dhexe, sidaasi daraadeed Everton ayaa ka mid noqotay kooxaha ka faa’idetstay ee dukaameystay suuqa ciyaartooyda.