Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kroenke oo la wareegay milkiyadda Arsenal


Qaar ka mid ah xiddigaha Arsenal
Qaar ka mid ah xiddigaha Arsenal

Maalqabeynka u dhashay dalkaan Mareykanka Stan Kroenke ayaa la wareegay milkiyadda kooxda kubadda cagta Arsenal ee dalka Ingiriiska kadib marki uu iibsaday saamigii Alisher Usmanov oo ah ganacsade u dhashay dalka Ruushka oo ka mid ahaa saamileeyda Arsenal.

Kroenke ayaa marki hore boqlkiiba 67 ka lahaa saamiga kooxda Arsenal halka Usmanov uu lahaa boqolkiiba 30. Waxaa hadda Arsenal hadda lagu qiimeeyay lacag dhan $2.3 billion.

Heshiiskaan ayaa soo gaba gabeeyay loolan dhinaca milkiyadda kooxda ah oo u dhaxeeyay labadani bilyineer. Balse waxaa uu ka careysiiyay qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Arsenal oo ka xun milkiyadda kooxda ay gacanta u gashay hal nin oo kaliyah.

Arsenal oo ah koox dhisan 132-sanno ayaa ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan dalka Ingiriiska.

XS
SM
MD
LG