Aan ku horreyno e goolhayihii xulka kubadda cagta dalka Masar Essam El-Hadary, ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah.
El-Hadary ayaa bishi hore noqday laacibki ugu da’da weynaa ee dheela ciyaar ka mid ah Koobka Aduunka. Waxay markaas da’diisu aheyd 45 sano iyo 159 maalin.
Qoraal uu soo saaray goolhayahan waaya araga ah ayuu ku yiri "Kaddib 22 sano, afar bilood iyo 12 maalin, waxay ila noqotay in hadda ay tahay waqtihi ugu wanaagsanaa ee aan ka fariisan lahaa ciyaaraha."
Essam El-Hadary ayaa ku biiray xulka qaranka Masar sannadki 1996, tan iyo markaasi wuxuu kula guuleystay afar koob oo ah kan Qaramada Africa 159 kulan oo uu saftay.
Ciyaartiisi ugu danbeysay waxay aheyd kulanki iyo Sacuudiga ku dhexmaray dal Ruushka 25-ki bishi June. Ciyaartaas oo ka tirsaneyd wareega koowaad ee Koobka Aduunka ee sannadkaan, ayuu Masar Essam El-Hadary qabtay rigoore, balse waxay guushu 2-1 ku raacday Sacuudiga.