Maxaabiis ku xiran xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa cuntadii ka soontay, waxaanay ku doodayaan in wakhtigii lagu xukumay uu dhammaaday.
Maxaabiistan oo tiradoodu tahay sagaal qof, ayaa sannadkii 2003 loo xiray falal la xiriira argagixiso, sida uu tilmaamay garyaqaanka u doodayaa.
Inkastoo xeer ilaalinta guud ee Somaliland oo VOA la xiriirtay ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan kiiskan, haddana garyaqaan Maxamed Axmed Abokor oo ka mid ahaa qareennada u doodaya maxaabiistan ayaa sheegay in laba ka mid ah maxaabiistani ay xanuusanayaan. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa waraystay qareenka, ugu horrayna wuxuu waydiiyay kiiska maxaabiistan.