Kooxda Arsenal ayaa guul kale ka keentay ciyaaraha saaxibtinimo ee ay isugu diyaarineyso xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Ingiriiska..
Arsenal waxay rigoorayaal 6-5, kadib marki ay waqtigii caadiga ahaa ay labada koox isku mari waayeen barbarro 1-1 ah.
Goolhaye Petr Cech ayaa inti ay socotay ciyaarta badbaadiyay rigoore uu ka qabtay Morata.
Chelsea ayaa goolka la hormartay waxaana u saxiixay oo madaxa ku dhaliyay Antonio Rudiger, laakin dhamaadki ciyaarta ayay Arsenal ka daba tagtay goolka bareejadana waxaa u dhaliyay ciyaaryahan Alexandre Lacazette, ciyaarta oo ay ka harsaneyd 17 ilbiriqsi.
Rigoorayaashana labada dhinac waxay dhaliyeen shanti tuurasho ee ugu horreysay, balse waxaa marki ugu danbeysay uu goolhaye Cech ka qabtay rigooradi ugu danbeysay ee Chelsea ciyaaryahan Ruben Loftus-Cheek.
Waxay aheyd guuldarradi ugu horreysay ee uu la kulmo tababaraha cusub ee Chelsea Maurizio Sarri.
Axadda ayuu kulankiisii ugu horreeyay oo aanan ciyaar saaxibinimo aheyn la dheeli doonaa kooxda Manchester City finalka kooxda Community Shield oo ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London.