Bilihii ugu dambeeyey ururka Al-Shabab maleeshiyadiisu waxay weeraro ka gaysanayeen gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabellada Dhexe.
Weerarradan ayaa u ekaa kuwo sii badanaya iyadoo dhinaca kalena ay hakadeen hawlgalladii dawladda ay ka samyanaysay gobolladaas.
Haddaba xilli ay mar kale soo baxaayaan in hawlgalladaasi dib loo billaabayo ayaa mas'uuliyiintu gobolladu ay ka digayaan in hawlgalladu noqdaan kuwo istiraatijiyad iyo xilli ku habboon dhaca.
Haaruun Macruuf ayaa arrimahan ka waraystay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Shabeellada Hoose Cali Nuur Maxamed.