Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man Utd oo garaacday Real Madrid


Real Madrid Man United Soccer
Real Madrid Man United Soccer

Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay guuuldarradi ugu horreysay tan iyo marki uu ka tagay Cristiano Ronaldo oo ku biiray kooxda Juventus, kadib marki ay xalay ku khasaartay ciyaarti ay la dheeshay Manchester United.

Kulanki xalay oo ka dhacay magaalada Miami ee dalkan Mareykanka ayay United guushu ku raacday 2-1.

Goolasha waxaa qeybti hore ee ciyaarta Manchester u dhaliyay Alexis Sanchez iyo Ander Herrera halka goolka qura ee Real Madrid uu saxiixay Kareem Benzema.

Waa guushi labaad ee uu macalin Mourinho ka keenayo ciyaaraha saaxibtinimo ee ay ku ciyaarayaan dalkaan Mareykanka.

XS
SM
MD
LG