Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golovin oo ku biiray Monaco


Saudi Arabia team before the game
Saudi Arabia team before the game

Laacibka khadka dhexe ee dalka Russia Aleksandr Golovin, kana mid ahaa laacibiinti sida weyn uga soo dhex muuqday ciyaarihi Koobka Aduunka ee 2018-ka ayaa shalay ku biiray kooxda AS Monaco ee dalka France.

Laacibkan 22 jirka ah ayaa saxiixay heshiis shan sana ah, kadib marki uu Jimcihi kasoo wareegay kooxda CSKA Moscow ee dalka Ruushka.

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warrantay in Monaco ay Golovin ku iibsatay lacag gaareysa 30 million oo euros.

Laacibkaan ayaa dowr weyn ka ciyaaray guulihii xulka Ruushka ee Koobki Aduunka, waxaana ay indhaha caalamka qabteen ciyaarti furintaanka ee ay Ruushka 5-0 uga badiyeen xulka Sacuudiga.

Golovin ayaa kulankaasi dhaliyay gool halka laba kalana uu isagu baasay.

XS
SM
MD
LG